wuxuu ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahra aqriska qur’aanka.
Waxaa taas ku deeqsiinaya, inuu Cabdullaahi Binu Mascuud ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahray aqriska qur’aanka Rasuulka Alle (scw) gadaashiis, iyadoo ay gaaladii qureyshna ay arkayaan.
Maalin ayaa waxaa magaallada Makka ku kulmay asxaabtii Rasuulka (scw) – wakhtigaasna waxay ahaayeen kuwo aan awood lahayn oo tiro yar, waxay is yiraahdeen, wallaahi gaaladii qureysh weli ma aynan maqlin iyadoo qur’aanka kor ahaan loo aqrinayo, ee yaa maanta intuu baxo qureysh maqashiinaya qur aanka!?.
Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda Ar-raxmaan.
Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri annigaa maqashiinaya qur aanka. Saxaabadii ayaa ku yiri, adiga qureysh waan kaaga baqaynaa, ee waxaan doonaynaa nin ay tolkiisa ay meesha joogaan, kuwaasoo ilaaliya oo ka qabta haddey xummaan la doonaan.
Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri, anniga ii dhaafa kuwaas, maxaa yeelay Ilaah ayaa shartooda iga reebaya ina ilaalinaya Goor barqin subax ah ayaa wuxuu Cabdullaahi ku soo kallahay masjidkii Xaramka ilaa uu ka yimaado goobta maqaamkii Nebi Ibraahim (cs), markaas iyada ahna ay gaaladii qureyshna ay fadhiyaan Kacbada hareeraheeda.
Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda Ar-raxmaan
Qureysh ayaa dhageysatay qur aanka, waxayna yiraahdeen, muxuu leeyahay kii ina Ummu Cabdi ahaa, habaar ha ku dhacee?!
Qaar ka mid ah gaaladii qureysh ayaa yiri, wuxuu aqrinayaa qaar ka mid wixii uu la yimid Nebi Muxammad ee qur aanka ah. Gaaladii ma aynan sugin inta uu ka dhameenayo aqriska qur aanka e, way ku soo qamaameen waxayna bilaabeen inay ka garaacaan wejiga weliba isagoo aqrinaya qur aanka ilaa uu ka gaaray aqriskii qur aanka intii uu Eebbe ka doono inuu aqriyo. Dabadeedna wuxuu u yimid asxaabta, isagoo dhiiguna ka shubmayo. Asxaabtii ayaa ku yiri, sidan ayaan kaaga cabsanaynay.
Cabdullaahi ayaa yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye cadoowgii Alle iyaga ayaa hadda iga tabardaran anniga, haddaad doontaana berito ayaan sidan oo kale ugula kallahayaa. Asxaabtii ayaa Cabdullaahi ku yiri, maya, intaas ayaa kuugu filan, waxaana xaqiiqo ah inaad maqashiisay waxay dhibsadaan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu noolaa ilaa khilaafadii Cusmaan Binu Cafaan, kolkii uu bukooday bukaankii dhimashada ayaa waxaa u yimid Cusmaan Binu Cafaan, wuxuuna ku yiri:
Cusmaan Binu Cafaan: Maxaad ka sheegaynaysaa?
Cabdullaahi Ibnu Mascuud: Denbigayga ayaan ka sheeganayaa .
Cusmaan Binu Cafaan: Maxaad u baahan tahay?
Cabdullaahi Ibnu Mascuud: Naxariista Rabbigay.
Cusmaan Binu Cafaan: Mushaarkii aad sannado kahor diiday Inaad qaadato ma kuu amraa in lagu siiyo?
Cabdullaahi Ibnu Mascuud: Uma baahni mushaarkaas
Cusmaan Binu Cafaan: Haddaba, gabdhahaada ayaa qaadanaya adiga gadaashaa
Cabdullaahi Ibnu Mascuud: Gabdhahayga miyaa waxaad uga cabsanaysaa faqrinimo?, waxaan faray inay habeen kasta aqriyaan suuradda Al-
waaqica.., maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa waxaan ka maqlay isagoo leh: ruuxii aqriya habeen kasta suuradda Al-waaqica faqri kuma dhaco weligii.
Markii la gaaray habeenkii, ruuxdii Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxay haleeshay saaxiibkii sareeyay (Ilaah), isagoo carabkiisana ka qoyan yahay xuska Alle, waa qur aanka e.
Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Cabdullaahi Ibnu Mascuud, innagana nagu sugo wadiiqadii suubanaha Rasuulka Muxammad (scw) iyo saxaabada intuba aamiin.
WD: Ibraahim Warsame