Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Amb. Mohamed El-Amine Souef, La-taliyaha Dhanka Howlgalka Jeneraal Peter Omola Iyo Madaxa Siyaasadda ee ATMIS Mudane Babatunde Taiwo.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisa howl-galka nabad ilaalinta ATMIS kulankooda ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga goobta uu ka furmaayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed. Sidoo kale madaxda ATMIS ayaa waxay soo dhaweeyeen shirka waxayna ballan qaadeen in in ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga.