MAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA

Muqdisho, Jannaayo 04, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa uga warbixiyey miro-dhalka halkan dalka lagaga xoreynayo argixisada Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada.
Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.
DHAMMAAD