Maayarka Beledweyne oo maanta deeq gaarsiisay Guutada 5-aad, Q 27-aad ee CXD

Maayarka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa maanta deeq isugu jirta Xoolo nool oo Ari ah iyo agab kale oo ay kamid yihiin Bustayaal waxay gaarsiisay ciidamada xooga dalka.

Ciidanka ay deeqdaas gaarsiisay guddoomiye Nadar ayaa ka tirsan guutada 5-aad ee qeybta 27-aad oo ka howlgasha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ujeedka deeqdan ayaa ah in ciidanku ku afuraan, maadama lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay dhiira galin u noqoto ciidamada.

Taliyaha Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad xoogga dalka Kornail Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa dhankiisa ka mahad celiyay deeqdan maanta lasoo gaarsiiyay ciidanka, waxuuna si gaar ah ugu bogaadiyay howshaan wanaagsan Maayarka iyo bulshada reer Beledweyne.