SIDEEN KAGA FAA’IIDAYSAN KARNAA DALAGA BEERAHEENNA.

Dhawaan waxaan socdaal gaaban ku tagey deegaanno hoos taga magaalooyinka balcad iyo af-gooye oo tabcashada beeraha aad ugu wanaagsan,  dhammaan jaadadka kala duwan ee dalagyadana lagu beeri karo.

Waxaan soo arkay dhul cosob ah iyo carro dihan oo xilli walba la tabcan karo, baahida iyo saboolnimada 50 kii sanadoodoo ugu dambaysay astaanta iyo summadda inoo noqdayna ayaanu isaga reebi karno.

Waxaan dhex galay beero wabiga jiinkiisa ku teedsan oo qudaar caynba cayn ah ihi ka buuxdo, qofkii arkaahina aanu janno fardowso mooyee meeshani waa goob aduunka kamida sinaba u rumaysan karin.

Wax walboo maankayga ku soo dhacay ama aan suuraysan karayba hortayda iyo hareerahayga ayaan ka milicsaday, gaajo iyo harraadna waanu is macasalaamaynay.

Tayasho iyo xog-wareysi ayaan la abbaaray dad fara ku tiris ah oo aanu agagaarta beeraha ku kulanay, waxayna ii sheegeen war yaab iyo qaadan waa igu noqday.

Waxay iiga tibix siiyeen in deegaanka wax walba lagu beeri karo, fasal kastana ay dalagyo boqolaal jaad ihi ka soo go’aan oo magaalooyinka loo daabulo.

Nasiib-darro dadka aan la kulmay badankooda waxaa iiga muuqatay inaanay la dhacsanayn sii wadidda tabcashadu oo waxay qaar u hanqal-taagayeen nolosha fadhiidkaa ee magaalooyinka iyo kaba sii darane midda bah-dilkaa ee qurbaha.

Waxaan foolashooda ka dheehday inay wax ka maqan u hundhurayaan oo aanay barwaaqada iyo bayddiga eebbe siiyay si buuxda ugu qanacsanayn.

Qaar baa ku leh beerahan waxba kuma haynee magaalooyinka ayaanu u guuraynaa si aanu carruurta wax-barasho u geysanno anaguna aanu uga xoogsanno oo nolol maalmeed uga raadsanno, balse dadku sidaa ma wada aha oo qaar iimaan lihi way jiraan.

Haddaba barwaaqada dalkeena rabbi ku manaystay ee aanu maanta arki la’nahay oo ka faa’iidaysan la’nahay xillimaanu u baxsan doonnaa waa weydiin aan dubaaq walboo fayow u bandhigayo, war-celin wax ku ool ahna ka idayo.

Laso qeyb labaad ee qormadan ka mid ah.

WQ: Abwaan Hareeri