XORAYNTII AADAN YABAAL WAXAY HALBEEG U TAHAY GUUSHA LAGA GAARAY DAGAALKA LAGULA JIRO KHAWAARIIJTA. (WARBIXIN).

Dhawaan waxaa deegaannada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ka bilowday safaro ay gobolada iyo degmooyinka maamulkaas isaga kala gooshayaan madaxda Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaliya, Ra’iisul wasaraaha Xukuummadda Federaalka iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Madaxda ayaa waxay safaradooda kaga soo kala baxeen Magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne iyo Jowhar, kuwaasi oo safar dhulka ah ku soo maray deegaanno badan  oo dib looga xoreeyay Malaashiyaadka Kooxda Khawaarijta, iyagoo bar kulankoodu ahaa Degmada Aaden Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe, ahna Xaruntii ugu weynad ee kooxda khawaarijta u ahayd Saldhiga gobolka Shabeellaha dhexe iyadoo madaxdu halkaas shirar ku wada qaateen xilliyo kala duwan, tan iyo markii guusha laga gaaray Kooxdii caburinta iyo baadda ku haysay Deeganada laga xoreeyey Khawaariijta.

Mas’uuliyiinta safarka dhulka soo maray keliya kuma koobna inta aan xagga sare kusoo xusnay balse waxa iyagu a dhankooda safaro ku tegay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Xoogga Dalka, Guddoomiyaasha Gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Taariikhda Degmadda Aadan Yabaal:

Hadaan soo qaadanno  taariikhda Degmada Aaden yabaal oo kooban:- Aadan Yabaal waa degmo ka tirsan degmooyin gobolka Sh.

Dhexe, waxayna ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee ku yaala shabeellada dhexe, degmadaani waxay leedahay taariikh dheer oo soo jireen ah, waxaa ku yaalla ceel ciid oo ka mid ah ceelashii ay ajuuraankii qodeen, balse duugoobay oo ciid uun laga saaray.

Magaaladaan waxaa ka mid aheyd dhulalkii boqortooyadii Reer Yacquub ee xukumayay gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxayna Magaalada Jowhar u jirtaa 90-km.

Degmadani waxaa lagu xasuustaa hal heysyo badan, waxaana ka soo qaadan karnaa AADEN YABAAL U SOO AROOR, ABAALNA KUUMA ERGANEE, waxaa kaloo ka mid ah waa la Aaden Yabaaleey, taasoo loola jeedo waa la musuqmaasuqay, waxa xusid mudan Degamaddani waa Xarun ganacsi oo isku xirta Gobolada dalka.

Safaradda madaxda iyo muhiimadda ay leeyihiin:

Safarka Madaxda ayaa ujeedkoodu ahaa in la muujiyo isku furaanta Deegaanaddii kala xirnaa, oo ay go’doomiyeen Kooxdii Arxanka darrad ee Khaawaarijta, la iskuna wareystay halka looga sii jiheysan lahaa, waxaa kaloo ka mid ah muhiimadda safarka in la dhiirigaliyo Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa Deegaanka ee xaq ku dirirka ah iyo in shacabka loogu bishaareeyo inay u timid Dowladdoodii, lana soo gaarsiin doono adeegyada aasaasiga u ah nolosha, maadaama aysan hadda ka jirin adeegayo ku filan, iyadoo Madaxweyne Xasan sheekh amray in deg deg loo hawl geliyo ceelashii biyaha oo khawaarijtu kala baxday bambooyinkii biyaha lagaga cabi jiray iyadoo dhammaan dib loo hawlgeliyey Ceelashii biyaha laga cabi jiray.

Degmada Aaden Yabaal ayaa noqon doonta xaruunta bar-kulanka ee looga sii dhaqaaqo Gobolada kale sida Galguduud iyo Mudug, waxaana Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa xoreynta Deegaanada ay dhawaan la wareegeen Deegaanno kale oo hoos yimaada Degmada Aaden Yabaal, waxaana ka mid ah Deegaanka Alkawthar, waxaana dhawaan dib lagula wareegi doonaa Degmada Ruun-nirgood, taaso oo ka dhiman Degmooyinka Gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhinaca kale waxaa la filaa in Adeegyada asaasiga u ah noolaha laga hirgalin doono Deegaanada laga  xoreeyay kooxda Khawaarijta, sidaasi awgeed ayuu Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin kuwaas oo ay ugu horreeyaan adeeg caafimaad, saldhig Booliiska, Waxbarasho, habeynta Ceelasha Biyaha.

Safarka Ra’iisul wasaaraha:

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmadda Aadan yabaal iyadoo halkaas ay kusoo dhoweeyeen Dadweynaha degmadda, mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha dhexe iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Hirshabeelle, Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaybaha bulshadda ee kala duwan isagoo si gaar ah ugu kuur geli doona xaaladda nololeed ee dadweynaha.

SONNA Editorial.