Wasiirka Gaashaandhigga oo lagu soo dhaweeyay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta

Imaaraadka– Wafdi  uu hogaaminaayo Wasiirka  Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa  gaaray magaalada Abu Dubai.

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay  madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa inta uu jogo Imaraadka  waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dalkaas, oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka midtahay xoojinta xiriirkal abada Dal iyo arrimo kale.