Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo la kulmay wiil dhalinyaro ah oo sameeyay ganacsi guulaystay.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Agaasimaha waaxda Hal-abuurka iyo wacyigelinta dhalinyarada Ikraan Cabdullaahi Jogow ayaa xafiiska Wasaaradda ku qaabilay Maxamed Cabdullaahi Barre oo ah wiil hormuud ka noqday hal-abuur guulaystay oo la xiriira Shinida.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa si loo dhiirri-geliyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee hal-abuurka leh soo kordhiyay waaxda Hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hal-abuurka Maxamed Cabdullaahi Barre waxaa weheliya inuu shaqaaliiyay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa balan qaaday inay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS xoojinayso taageerada dhalinyarada Hal-abuurka soo kordhiya isagoo sheegay in maalin ka mid ah shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhamaadka bishan dhacaya loo gaar yeelay dhalinyarada Hal-abuurka leh.