Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxda Hey’adda IHH ee dalka Turkiga

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin ayaa magaalooyinka Istanbul & Bursa ee dalka Turkiga kula kulmay madaxda hey’adda IHH, Guddoomiyaha ayaa booqday xarumaha looga jawaabo xaaladaha deg degga ah ee hey’adda ee ku kala yaalla Bursa & Istanbul.

Hey’adda IHH ayaa ka caawin doonta hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya dhanka tababarrada iyo qalabaynta xarunta gurmadka deg degga ah. Waxay sidoo kale IHH dalkeenna keeni doontaa raashin loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa horay u gaaray Degaannada laga xoreeyay khawaarijta halkaa oo ay hey’addu gargaar kala duwan gaarsiisay qoysas wajahayay xaalado nololeed oo aad u liidato,sidoo kale hey’adda aya kaalin weyn ka qaadatay gurmadkii qarxii ka dhacay isgooyska zoobe ee Magaalada Muqdisho.