Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha xilka baneynaya ee Itoobiya

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan isugu jira Casho iyo sagoontin ah la qaatay safiirka xilka baneynaya ee dalka Itoobiya ee Cabdifatax Sheikh Cabdullaahi.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka xilka ka sii dagaya ee Itoobiya uga mahadceliyey wada shaqeyntiisii mudadii uu ka howlgallayay Soomaaliya iyo sida Dowladda Itoobiya ay uga go’antahay tageerada walaalnimo oo soo jireenka ah iyo garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.