Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ku yesheen Magaalada Muqdisho ku ansixiyay miisaaniyadda 2023,waxana ogolaatay 172 mudane Hal xildhibaan ayaa ka aamusay
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi M.Nur ayaa
ugu mahadceliyay Mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u la shaqeeyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo meel-marinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2023-ka.
‘In kastoo ay jiraan caqabado badan oo aan la kulannay dal ahaan oo ay ugu wacan tahay hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka iyo dagaalka ka aan kula jirno argagixisada, haddana waxa naga go’an dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kor u qaadidda dakhliga gudaha dalka oo aad muhiim ugu ah Dowladda Soomaaliya.’Sidaa waxa yiri wasiirka Maalliyada Dr Cilmi


