Guddigga Arrimaha Dibada ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Guddigga Arrimaha Dibada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Guddigga Arrimaha Dibadda Xildhibaan Cabdulaahi Bidhaan Warsame,Waxana xubnaha Guddiga iyo wasiirku ka wada hadleen saddex qodob oo kala ah.

1: Xoojinta wadashaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda.

2: soo gudbinta qorsho howleedka Wasaaradda.

Xubnaha guddigga ayaa su,aalo la xarriiro shaqada wasaaradda weydiiyay wasiir Abshir Cumar Jaamac Haruuse Oo uu waheliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xildhibaan Isaaq Fanax, Xoghaye Joogtada Wasaaradda iyo Howlwadeeno ka ssocday Wasaaradda

Wasiirka ayaana ka jawaabay dhamaaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha guddigga Arrimaha Dibadda,waxana kulanka guddiga iyo wasaaradda uu kusoo dhamaaday is afgarad iyo in ay dhex marto wada shaqeyn buuxda.