Shirka Golaha wadatashiga oo Maalintii labaad ka socdo Xarunta Madaxtooyada Qaranka

Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha wadatashiga Qaran oo dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo shalay ka furmay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa maalintii koowaad waxaa  diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin, federaaleynta, garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer dowlad-Goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Maalinta labaad ee shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta  oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu sugnaayeen.

Geba-gabada Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inay kasoo saran warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda ka qeybgaleyso shirka.