Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray deegaanka Guulane

Guulane: 13, Diseembar, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Guulane oo dhowaan laga xureeyay kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.
Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Mayre Makaraan, Taliyaha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale waxaa si diiran deegaanka guulane ugu soo dhoweeyay boqolaal dadweyne ah.
Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay shacabka deegaankaan ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran oo ay u sameeyeen isagoo bulshada deegaanadaan ugu baaqay inay u soo qalab qaataan dagaalada lagu ciribtirayo kooxdaan khawaarijta ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in halganka dalka looga xoreynayo kooxda khawaarijta ah ee alshabaab ay bilaabeen geesiyaal kasoo jeeday deegaankaan Guulane loona baahan yahay in la dhameystiro firxadka khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada Hirshabeelle.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Qeybaha kala duwan ee ciidamada geesiyaasha iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee u taagan ciribtirka khawaarijta arxanka daran.
+2
0
People reached
0
Engagements
Boost post
Like

 

Comment
Share