GUDDOOMIYAHA G/SHACABKA OO LAGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA XUDDUR

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maamulka iyo shacabka magaalada Xudur ku bogaadiyay sida dadka deegaanka isaga diideen inay wax ku darsadaan kooxda Khawaariijta, isla-markaana muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimmo, isagoo xusay in ay hada diyaar u yihiin iska xorreynta kooxdan caadeysatay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.