Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay dalka Turkiga iyo madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus.

Duqa Muqdisho iyo madaxa hay’adda TIKA ayaa ka wada hadlay fulinta mashaariic wax ku ool ah oo laga fuliyo caasimadda dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga la xariira dhismaha waddooyinka, xarumaha danta guud, hirgalinta warshadaha wax-soo-saarka,shaqa abuurka dhallinyarada,xal u helida Qaxootiga iyo Barakacayaasha.