Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo kormeeray deegaano laga xoreeyay Khawaarijta

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan taliyaha ciidanka xoogga, Sanatar Afcadey, Taliyaha ciidanka dhulka, guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer dhiirro-galin ah ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellada dhexe.

Mas’uuliyiintan ayaa ku bogaadiyay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim guulaha muhiimka ah ay ka soo hoyiyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo cadowga ay ka xoreeyeen deegaano iyo dagmooyin ka tirsan Hirshabeelle.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa cadow ku ahaa nolosha iyo horumarka bulshada iyagoo burburiyay goobihii caafimaadka, waxbarashada, ceeshii biyaha, dugsiyadii qur’aanka iyo masaajidada, waxayna dowladda federaalka dadaal xooggan ku bixisay sidii dib loogu soo celin lahaa deegaanadaas adeegyada ay Bulshada u baahan yihiin ee argagixisadu waxyeelada gaarsiisay.