Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay 600 oo shabakadood kuwaas khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan

Dowladda Soomaliya oo ku dhawaaqday in ay hawada ka saartay in ka badan 600 oo shabakado warbaahineed,shabakadahan ayaa ahaa kuwo kooxa khawaariijtu ku baahiyaan wararkooda sidoo kalena ku gudbin jireen fikirkooda gurracan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Al-caddaala oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in Dowladdu Dagaal adag ku qaaday baraha warbaahinta ee Argagixisaddu ku baahin jireen falalkooda gurracan kuwaas oo khatar ku ahaa Amniga Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Wasiir Caddaala ayaa xusay in Baraha la xiray isugu jireen Facebook,Twiter,telegram, Tiktok,Youtube iyo Mareegaha Website-yadda.

” cidkasta oo baahisa wararka khawaariijta iyo goob kasta oo lagu baahiyo waa noo bartilmaameed” ayuu yiri wasiir Caddaala.