15 ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab oo lagu dilay weerar diyaaradeed

15 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ay sameyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Africom  ka oo laga fuliyeen degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe 14-kii iyo 17-kii December, 2022.

Howlgalka 14-kii Dec ayaa ka dhacay meel 176 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Cadale. khiyaas ahaan waxa ku dhinta werarkaasi 7 ka mid ah argagixisada Al-Shabaab

Howlkalkii 17-kii Dec  ka dhacday meel qiyaastii 220 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa ay ka dhacday agagaarka Cadale,waxana halkaa lagu dilay 8- ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Taliska Marekanka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay labada weerar.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta rayidka ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Nabada wadamada Geeska Afrika.