31 badmaax oo ku maqan markab dagaal oo ku qallibmay Thailand

Ciidamada badda ee Thailand ayaa sheegay in ay maqan yihiin 31 badmaax ,a dib markii markab dagaal oo ay la socdeen in ka badan 100 shaqaale uu ku dagay biyaha badda ee  gacanka Thailand.

Shilkaan oo ay sababeen duufaano,ayaa dhacay habeenimadii xalay,waxaana maamulka Thailand ay  sheegay maanta in la soo badbaadiyeen 75 shaqaale ah ,halka weli la la’yahay 31 ka mid ah shaqaalihii markabkaasi.

Maamulka Thiland ayaa sheegay in la baarayo waxa sababay shikaasi uu ku qallibmay markabka lagu magacaabo HTMAS Sukhotai .

Shilkkasi ayaa yimid xilli markabka uu ku jiray roondo ,isagoo marayey meel 32 km u jirta dhanka galbeed gaar ahaan magaalada Bang Saphan, ee gobolka Prachuap Khiri Khan.

Markabkaan oo kamid ah kuwa dagalka axaa la dhisay bartamihii 1980-meeyadii,waxaana ku gowlgala ciidamada badda ee Dalka Thiland .