Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Kormeeray Xarunta SNTV Ee London

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo howlo shaqo u jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa booqday xarunta SNTV ee London, isagoo la kulmay Masuuliyiinta shirkadda Telefishinka Qaranka siisa satellite-ka oo uu warbixin ka dhageystay.

“Waxaan booqday xafiisyada iyo Istuudiyaasha TV-ga Qaranka iyo halka Hawada laga geliyo oo aan ku soo arkay xirfadleyaal iyo howl hufan oo ka socota si joogto ah, waxaan u sheegay maareeyaha IQ broadcasting  in xarun labaad oo lagu kaydiyo barnaamijyadii hore ugu baxay SNTV iyo kuwa cusub laga furo Mogadishu”ayuu yiri Agaasimaha.