Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Cafis u fidiyey Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga dhexe ee Baydhabo

Baydhabo- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis u fidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa bixiyey Deemihii lagu lahaa qaar kamid ah Maxaabiista, Munaasabada Sanad guurada 4-aad Awgeeda.

Qaar kamid ah Maxaabiista maanta la sii daayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay tillaabada, iyaga oo u mahad celiyay Madaxweynaha.