Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda

Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Khawaarijta Al-shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil ciidan iyo agaasimaha waaxda canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Muxudiin Xasan Juris ayaa goobjoog ahaa goobta lagu soo bandhigay Saciid Xuseen Raage.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana lagu gaarsiiyay jab xooggan.