Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta xukunno kala duwan ku riday koox loo haysto argagixisanimo

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday koox loo haysto argagixisanimo, waxay xubnaha la xukumay kawada shaqeeyeen dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo arbushaad ah.
17-kii bishii September ee sanadkan ayaa gacanta lagu soo dhigay kooxdaan oo falalka ay gysanayaan ku kala fuli jirtay RBG, F1 iyo AK-47, sidoo kale waxay u kala qeyb sanaayeen Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaajle iyo dawaral Gaari.
Dhammaan habraacyadii maxkamadeed ayay soo dhamaysteen 10-kii bishaan December, waxayna maanta maxkamaddu ku kala xukuntay:
1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Xaashi Faarax oo ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu ka fuliyay Macaani, isagoo begsasaday gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku gashay degaanka Ceelasha-biyaha 7-dii September 2022.
2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, waxaana xukunsanaha dhabarka ka soo gaaray dhaawac ay sababeen xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan geeriyoon.
3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay nin 8-Sano oo xabsi ciidan ah, waxayna kala ahaayeen madaxii gaadiidka ee kooxda iyo kan caafimaadka.
5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.
6-Cabdullaahi Sheikh Maxamed Hilowle oo ahaa fure-hayaha guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacma argagixisada ayaa lagu xukumay 3-Sano oo xabsi ciidan ah.
7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku waysay wax dambi ah, waxaana dib loogu celiyay xorriyadooda.