Guddiga Khayraadka Qaranka Oo Kulan La Qaatay Xubnaha Ugu Sarreeyo Wasaaradda Beeraha

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskood Aqalka Sare ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, ayaa ka xog-waraystay howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Kulanka oo si gaar ah loogu lafa guray qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciga Beeraha ee Aqalka Sare yaala, xogaha ku saabsan Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Beeraha iyo qorshayaasha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka uga degan Maamul Goboleedyada Dalka.