Diyaarad kuwa sida joogtada ah qaadka Meerowga ah uga keena dalka kenya, ayaa maanta ku burburtay Garoonka Ku Meel Gaarka Ah ee Degmada Caabudwaaq.
Sida ay Maamulka Garoonka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka Diyaaradaan ayaa ka weecatay Dhabaha Garoonka waxyar kadib markii ay soo caga dhigatay, taas oo keentay in ay baalasha ay la jiirto dhirta kaabiga ku haysa Garoonka.