Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaatay Abaalmarinta Shaqsiga

Shirkada Somalia Awards,Ayaa Xaflad ay qabatay Sanadkii labaad waxay abaalmarin siisay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay u garatay shaqi si wanaagsan ugu adeegay shacabkiisa.

Xafladdaan oo lagu Abaalmariyay Xarumo iyo shaqsiyaad howl wanaagsan u qabtay ummadda Soomaaaliyeed, ayaa ka qabsoontay Muqdisho, waxaana kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacab kala duwan.