NATO: Putin wuxuu diyaarinayaa inuu dheraado dagaalka Ukraine

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg, ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wakaaladda wararka France-Presse, Jimcihii, in Ruushka uu isku diyaarinayo dagaal dheer oo muddo ka sii socda Ukraine, taasi  oo xulafada NATO ku qasbeysa inay sii wadaan bixinta hubka iyo tageerada kala duwan ilaa Putin uu ka dareemo guul darrooyinka dagaalka.

Jens Stoltenberg, oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Ma aha inaan dhayalsanno qorshaha Ruushka, maadaama uu isku diyaarinayo dagaal dheer, wuxuuna abaabulayaa ciidamo badan, wuxuuna isku dayayaa inuu helo hub iyo rasaas badan.”