Dhalinyaro ka soo laabtay fikirka xagjirka oo tababar loo soo xiray

Magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii ugu horeysay ee dhalinyarada dib uga soo laabatay fikirka xagjirka ah, kuwaas oo dhammeystay waxbarasho iyo xirfado gacanta ah, isla markaana fursad u helaya in ay dib ula midoobaan qoysaskooda.

Dhalinyaradan ayaa soo bandhigay waxyaabihii wanaagsanaa ay barteen muddadii ay ku jireen xarunta dhaqancelinta Galmudug, waxayna qireen in ay ka reysteen fikirkii gurracnaa ee argagixisada.

Agaasimaha Baarnaamijka dhaqancelinta, Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Galmudug Cabdullaahi Barre iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaas oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa bogaadiyay dhalinyarada qalin jabisay go’aanka geesnimada leh ee ay qaateen ee ah in ay isa soo dhiibaan kana soo laabtaan fikirka xagjirka ah.

Waxaa sii kordhaya tirade dhalinyarada ee ka soo baxsaneysa kooxda Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo waxbarasho iyo isbedel nololeed ka helay dowladda.