Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Danjire Anita Kiki Gbeho

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Anita Kiki Gbeho.

Madaxweynaha iyo Danjire Anita Kiki Gbeho, ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka oo iskaashanaya ay cadowga ka xorreeyeen deegaanno iyo degmooyin ay Khawaarijta ku dhibaateen jireen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro cadowga ay kamid yihiin in maanta ay isu furan yihiin isu socodka magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Aadan-yabaal, Ruunirgood, Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne oo dhowr iyo toban sano go’doon ku jiray.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa tilmaamay in dhammaan deegaanada laga xorreeyay argagixisada laga fulin doono barnaamijyada xasillinta si ay bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah.