Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulhi dani oo ka hadlayay furitaanka Shirwaynaha arimaha Diinta

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulhi dani oo ka hadlayay furitaanka Shirwaynaha arimaha Diinta oo ay soo Qaban qaabisay wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Dinta Puntland ayna ka soo qayb Galeen Culima awdiin kala duwan oo isaga kala yimid Gobalada iyo Dagmooyinka Puntland ayaa ku Dheeraaday ka hadlida dhibaatada ay Bulshada ku hayaan qaybaha Mukhaadsraadka oo uu Madaxwaynahu Tilmaamay inay marayso meel khatarteeda leh una baahan wax qabad dag dag.

Madaxwayne Dani ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Laamaha Ammaanka iyo Ciidamada kala duwan ee ka shaqeeya la Dagaalanka Mukhaadaraadka oo uu Sheegay in uu si dhow ula socdo in iyaga Laftigoodu Horseed ka yihiin fududaynta iyo isticmaalka Mukhaadsraadka halki ay La dagaalami lahaayeen.

Madaxwayne Dani ayaa Culima awdiinka iyo Odayaasha dhaqanka Puntland ugu baaqay inay si gaar ah Dowlada iyo shacabkaba ugala shaqeeyaan wacyi Galinta arintaani iyo sidii laysaga kaashan lahaa ciribtirka Mukhaadaraadka iyo Fasahaadyada kala duwan ee ay keento.

Shirweynahan Cadaalada iyo Arimaha Diinta Puntland ayaa lagu wadaa in gabagabadiisa laga soo saaro qodobo si gaar ah u taabanaya Hab nidaaminta Dugsiyada lagu barto qur’aanka Kariimka ah iyo wax qabashada Dhibaatada Mukhaadraadka iyo Anshax Xumada wada jira.