Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka rartay deeq raashin ah oo loogu talagalay dadka ka soo barakacay daggaallada argagaxisida lagula jiro gaar ahaan aagga Degmada Baxdo.

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in deeq raashin ah oo ka kooban Bur, Bariis, Sokor, Baasto iyo Saliid ay gaarsinayaan deegannadii uu dhawaan booqday Madaxwaynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wasiirka Gargaarka Dowlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Makkaawi oo isna ka hadlay goobtii raashinka laga rarayay ayaa u mahadceliyay hay’adda maaraynta Musiibooyinka sida ay u garab istaagtay dadka ka soo barakacay goobaha daagalladu ka socdaan.