Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo gaaray dalka itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Sarakiil ka tirsan wasaaradda Difaaca Ethopia iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.