Bulshada Magaalada Cadaado oo dhigay Bannaanbax ay kaga soo horjeedaan Khawaarijta

Bulshada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta dhigay bannaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan Khawaarijta Al-shabaab.

Dad u badan haween iyo Dhalinyarro ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada, iyaga oo ku dhawaaqay ay ereyo ay ku dhiiri-gelinayaan Kacdoonka Shacabka ee ka dhanka ah Khawaarijta.

“Dadka waa in ay kacaan, iskana dulqaadaan Argagixisada” ayuu yiri mid kamid ah Dhalinyarrada ka qeyb galay Bannaanbaxa maanta ka dhacay Cadaado.

Gobolada dalka ayaa waxaa ka socda Dagaal ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo Ciidanka Qaranka, kaasi oo deegaanno badan looga xorreeyay Khawaarijta.