Wasiir Al-caddaala” In ka badan 100-xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay Ceel-dheere,”

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa shir jiraa’id uu qabtay ku faah faahiyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel-dheere oo ku yaala xad kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgal qorheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga, NISA iyo saaxiibada caalamiga ah lagu dilay in ka badan 100-xubnood oo argagixisada ka tirsana, tiro kalena laga dhaawacay.

“ In ka badan 100-xubnood oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga, NISA iyo saaxiibada caalamiga ah Oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Khaawrijta la laayay waxaa ku jira ilaa 10-ka tirsan horjoogayaashii hoggaaminayay maleeshiyadii deegaankaas isku uruursanayay, waxaana howlgalka oo guul ku soo dhammaaday u suurta gashay ciidamada qaranka in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan deegaanka Ceel-dheere oo ah marin muhiim u ahaa Khawaarijta oo weerarada gurracan ay ka soo abaabuli jireen.

Ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku daba jira firxadka maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay u babac dhigi waayeen awoodda muuqata ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka.