Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo dadaal ku bixinaya dhismaha nidaam caafimaad oo loo dhan yahay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah wasiirada dhiggiisa ee ka soo qeyb galay shirka looga hadlayo il-ma-aragtada adkeysiga u leh dawooyinka ee ka socda dalka Cumaan.

Shirka oo maalintii labaad galay ayaa waxaa xubnaha uu wasiirka la kulmay ka mid ah wasiirada caafimaadka dalalka Cumaan, Sacuudiga,Netharlands, Sweden iyo Bangladesh, wuxuuna uga xog waramay xaaladda caafimaad ee dalkeenna iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka dib loogu dhisayo nidaamka caafimaad ee Soomaaliya.

Ugu danbayn, Wasiirka iyo Wasiirada kale ee dhiggiisa ah ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo dalalkooda.