Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenada cusub iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo isbarasha ah la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenada cusub iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo 20-ka bishaan November uu Madaxweynaha JFS u magacaabay xillalkaasi, waxaa sidoo kale Kulankan isbarashada ah goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenaddii hore iyo Xog’hayihii Gobolka Banaadir ee xafiiska baneynaya.