Safarada Madaxweynaha JFS ayaa ku qotoma Somali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah. (FAALLO)

Tan iyo markii loo doortay  mar kale Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Dr: Xasan Shiikh Maxamuud May 15-keedii ee sanadkan 2022-ka, waxa uu galay safarro badan ee uu kala bixiyay Wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba, kuwaasi oo uga gol lahaa boogo dhayid iyo in Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed loo horseedo in nabad ku wada noolaadaan Soomaalida dhexdeeda iyo kuwa caalamka intiisa kale, sida uu tilmaamayo halku dhigga Madaxweynaha ee ah SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH, maadaama 5-tii sano ee la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka caalamka aan la laheyn, sidaasi awgeed waxa uu u istaagay inuu soo boogo dhayo, waxaa kaloo aad xumaaday xiriirka Dowladda dhexe iyo Maamul- goboleedyada.

Haddaba si loo soo celiyo xiriirkaasi ayuu Madaxweyne Dr:Xasan Shiikh Maxamuud ku dhaqaaqay oo ugu booga dhayayo Dalalka aan walaalaha nahay, kuwa deriska aan nahay iyo saaxiibadii kale ee aan caalamka ku laheyn, si uu uga dhabeeyo halku dhiggiisa aadka u can baxay, isagoo safarro ku kala bixiyay waddamo ay ka mid ahaayeen:- Jamhuuriyadda Jabuuti, Masar, Isutagga Imaaraatka Carabta, Turkiga, Qadar iyo kuwo kale, kuwaasi oo aan walaallo nahay, halka kuwa deriska ahna uu ka tagay Wadamada Kenya, Itoobiya, Ugaandha, Tansaaniya  Eretareeya iyo qaar kale,waxaa kaloo uu safarro ku kala bixiyay Wadamada aan saaxiibada nahay oo ay naga dhaxeyso waxa wada qabsiga, waxaana ka mid ah:-  Wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwo kale, waxaana uu ku guuleysay inuu caadeyeeyo xiriirka aan la wada leenahay Dalakaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud waxaa kaloo uu beryahaan ku jiray safarro oo ku tagayo Dalka guhiisa, kuwaasi oo hadda ka socdaan dagaalo xooggan oo lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta, iyadoo deegaannadii uu tegay ay ka mid ah- Degmooyinka Maxaas, Wisil, Baxdo, Dhuuso mareeb iyo Beledweyne, waxaana kale oo jira kuwo kale oo uu dhawaan safarro ku ka bixin doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug, wuxuuna ku bogaadiyay Madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda.dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Madaxweynuhu waxaa kale ee uu kormeeray Fariisimaha Ciidamada Soomaaliyeed ee Magaaladda Wisil ee Gobolka Mudug, wuxuuna salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Wisil, isagoo ku bogaadiyey sida geesinimada leh ee sanadihii la soo dhaafay ay u jabiyeen dhammaan weerarradii khawaarijta Alshabaab ay ku soo qaadeen deegaanka iyo dadka ku dhaqan, waxa uuna tilmaamay in maanta halganku uu ku saleysan yahay xoreynta deegaannada kale ee argagixisadu ay ku dhibaateynayaan shacabka.

Madaxweynaha ayaa safaro kale ku maray deegaanno ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, isaga oo boggaadiyay Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, isagoa oo dardar galinaya howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Argagixisada, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka, wuxuuna boqolaal ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka diiniga ah ee hortagga figirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada Galmudug ee ku haray gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo xusay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada, wuxuuna yiri:-

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayay qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa bilowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaa sidoo kale loogusoo dhaweeyay si kal iyo lab ah, wuuxuuna faray inaay ka qaybqaataan dagaalka lagula jiro kooxda Kawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka, wuxuuna kala hadlay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ee uu ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisad, iyaga oo muujiyay geesinnimo iyo isku-duubni, waxa uuna ku adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay deegaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan Khawaarijta.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.”, ayuu sii raaciyay Mudane Xasan Shiikh, wuxuuna sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay gaarsiin doonto adeegga dowladnimada deegaanada laga xoreeyay argagixisada.

Haddaba wuxuu uu ahaa socdaal Madaxweynaha mid ku saleysan dhiiragalin, dardargelin iyo hawlgalin ciidamada qalabka sida iyo mujaahidiinta dib u xoraynta oo bilihii u dambeeyey dagaal guulo weyn  ah ka gaaray furimihii kala duwanaa ee ay Khawaarijta kula dagaalameen, iyo kuwii uu ku tegay  caalamka intiisa kale waxaan ugu dambeyntii dhihi karnaa waa mid ku saleysan halku dhigga ah SOMALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH.