Qaraxyo ka dhacay Qudus oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawacyo

Hal qof ayaa dhintay,12 kalana waxaa soo gaaray  dhaawacyo, kadib kolkii qaraxyo isxig-xigay ay ka dhaceen laba goobood oo  laga raaco basaska oo ku yiillay magaala  Qudus, sida ay sheegeen boliiska Israa’iil iyo dhaqaatiirta isbitaallada.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in shilalka dhacay saaka looga shakisan yahay inay yihiin weeraro ay soo qaadeen Falastiiniyiinta.

Qaraxyadaan ayaa yimid saacado kadib markii wiil Falastiini ah oo 16 jir ah ay ciidamada Israa’iil ku dileen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.

Waxaa jira xiisad aad u sareeya  oo u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin, ka dib markii bilihii la soo dhaafay ay dhaceen weeraro ay Israa’iil ka ku waadday  Daanta Galbeed ee la haysto.

In ka badan 130 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka Israel iyo Falastiin ee ka socda Daanta Galbeed iyo bariga Quddus sanadkaan, taasoo ka dhigeysa in 2022 ka  uu yahay kii ugu dhimashada badnaa tan iyo 2006-dii.