Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo soo bandhigay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2021

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2021.

Warbixinnada ayaa lagu xusay xog muhiim ah oo ku aaddan khaladaad la xiriira sida Hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u maareeyeen heshiisyada, iibka, deeqaha dibadda iyo daymaha qaranka.

Warbixinnada ayaa waxay kala yihiin:

1. Warbixinta Baarista Maaliyadeed (Xisaab-xirka DFS)
2. Warbixinta U Hoggaansanaanta Sharciga
3. Warbixinta Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo U-dhammaanshaha Iibka la xiriira COVID-19.
4. Warbixinta Dib-u-eegista Habraaca Xukuumadda ee Mashaariic Hay’adaha Caalmiga
5. Warbixinta Baarista Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadda Soomaaliya (SFMIS)

Warbixinnada oo dhammaytiran waxaad kala dagi kartaan:

Hoos ka dheeho xogta dulmar guud oo warbixinnadaas ku saabsan.