Maareeyaha Heya’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Tayodhawrka dalka Sacuudi Carabiya

Maareeyaha Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed – Somali Bureau of Standards – Md. Cali Yaasin Gurbe iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka qaybgalaya Shirka 24aad ee Golaha Maamulka iyo Shirweynaha 17aad ee Machadka Halbeegyada iyo Cabbirada ee dalalka Islaamka oo ka socda magaalada Istabul ee dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Tayodhawrka ee dalka Sacuudi Carabiya Md. Sacuud bin Rashiid Al-Askar.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii iskaashi midho dhal ah oo la xidhiidha ilaalinta tayodhawrka labada dal ay u samaysan lahaayeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Tayodhawrka ee dalka Sacuudi Carabiya waxa uu u ballanqaaday Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed in ay ka gacansiin doonaan dhinacyada tababarka shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee Hay’adda iyo kor-u-qaadista khibradda shaqaalaha. Sida oo kale waxa uu ballanqaaday in ay Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed ka taageeri doonaan hannaanka hubinta tayodhawrka iyo qalabaynta.