Qarax gaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dalka Ciraaq

Qarax gaas oo ka dhacay goob lagu dubo roodhida ayaa sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca 26 qof sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Duhok.

Saraakiisha Caafimaadka ee dowlad goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq (KRG) ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la dhigay isbitaallada.

Toddobaadkii hore ayaa isla qarax ka dhacay guri ku yaalla gobolka Sulaymaaniya ee waqooyiga Ciraaq ka dib markii uu gaas ka soo baxay, waxaana ku dhintay 15 qof 12 kalena waa ku dhaawacmeen.