GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MACALIMIINTA SOOMAALIYEED UGA HAMBALYEEYAY BARBAARINTA UBADKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda 21 ka November awgeed waxaa uu hambalyo u diray dhammaan macalimiinta iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed oo soo barbaariyay ubadkeenna iyagoo dadaal dheer ku bixiyay sidii bulshada dhexdeeda uga badbaadin lahaayeen jahliga iyo mugdiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xusay in macalimiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan daruufo adag islamarkaana aan helin dhaqaale ku filan ayuu ku boggaadiyay badbaadinta ubadka iyo kobcinta aqoonta bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, macallimiinta Soomaaliyeed la qaybsanayaa farxadda xuska maalintan qiimaha weyn ee 21-kaNovember.

Macallimiinta Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka qaateen garab istaaga bulshada xili dalkeena Ku jiray burbur iyo colaad sokeeye, iyagoo qaatay kaalintooda kaga aadan horumarinta waxbarashada, kobcinta iyo barbaarinta bulshada qaybaheeda kala duwan.

Maanta oo kale macallimiinta Soomaaliyeed waxay ku suntan yihiin dadaalkii joogtada ahaa oo ay ubadka Soomaaliyeed ku bixiyeen. Waxayna ku soo shaqeeyeen xiliyo adag oo ay duruufta qofna u saamaxeyn, iyaga oo u dhabar adaygay sidii ay u badbaadin lahaayeen mustaqbalka ubadka iyo bulshada Soomaaliyeed”

Guddoomiye Sheekh Aadan oo gunnaanadka hadalkiisa uga mahadceliyay macalimiinta ayuu ku dhiira geliyay in aanu marna ka caajisin barbaarinta ubadka Soomaaliyeed isagoona kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan ka mira dhalinta doorkooda ku aadan badbaadinta bulshada.