Madaxweynaha Kazakhstan oo ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee ka dhacday dalkaas

Madaxweynaha xilka haya ee Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday Axadii, isagoo helay 81.31% codadkii la dhiibtay,

guddoomiyaha guddiga doorashada dhexe ee dalka Mr Nurlan Abdirov ayaa hadal kooban jeediyey isagoo soo xiganaya xog horudhac ah. “Kassym-Jomart Tokayev wuxuu helay 81.31% codadka, ama 6,456,392 cod,” ayuu tilmaamay. Abdirov ayaa intaa ku daray in xogtan ay bixiyeen guddiyada doorashada dhulalka ee magaalooyinka Shymkent, Almaty iyo Astana.