Madaxweynaha dowlad goboledka hirshabelle iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne

Wasiirka wasaaradda Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa maanta Dhuusamareeb ka daah furay shirkan wada-tashiga ah oo ku saabsan dib u eegista qabyo qoraalka 3-aad ee dastuurka dalka oo ay isla lafo gurayaan Wasaaraddaha dowlad goboleedka Galmudug iyo bulshada rayadka.

Shirkan wada-tashiga ah oo soconaya mudo sedax maalmood ah ayaa laga filayaa aragtiyo wax ku ool ah oo wax weyn ku biirin kara dib u eegista socota ee dastuurka, Wasiir kuxigeenka Cadaalada Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa ka waramey muhiimada aragti uruurinta. Cod

Xildhibaan Khaalid Abdi Yusuf oo kamid ah gollaha baarlamaanka Galmudug iyo Abuukaate Ismael Halane ayaa dhankooda sharaxay ahmiyada qodobada Dastuurka uu u ogolaanayo wax qabsiga heer dowlad goboleed.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin oo muhiimadaa guud ee wadatashigan is dultaagey ayaa sheegey in qodobada dib u eegista u baahani isugu jiraan kuwo farsamo iyo kuwo masiiri ah oo ay Jaan goyntooda leeyihiin Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.