Askar horay dilal u geystay oo lagu toogtay Kismaayo

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saakay Kismaayo ku toogatay laba askari oo horay dilal uga gaystay magaalada Kismaayo.

Ragga qisaasta lagu fuliyay saaka ayaa kala ahaa gacan ku dhiigle Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, Sidoo kale Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhaceysay ayaa shaaciyay go’aamada kaso baxay maxkamadda.