Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaanka Cadcadeey

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta kooxaha khawaarijta ah kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostagga magaaladda Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah dadka shacab ah ku dhibaateeynayeen.

Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka xoogga saakay ay gudaha u galeen deegaanka Cad-Cadeey iyada oo Khawaarijta Shabaabna ay isaga carareen.

Shacabka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidanka xoogga dalka iyo dadka isu abaabulay in ay iska dulqaadaan kooxaha Khawaarijta waxaana hadda ciidanka ay ku daba jiraan firxadka Khawaarijta.