wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo Liisanka shaqada kala laabatay shirkadaha dibedda u dhoofiya shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku cadaysay in la madnuucay in dalka dibeddiisa loo dhoofiyo xoogsato Soomaaliyeed.
wasaaradda oo la wadaagtay Hay’adda ay quseyso ayaa go’aanka ay soo saartay waxay ku wargelinaysaa dhinacyada ay quseyso iyo Bulshada Soomaaliyeed laga billaabo markii ay taariikhdu ahayd 15/11/2022 in la joojiyey Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama Dalka dibeddiisa loo dhoofin karo.
Sidoo kale , Dhammaaan ruqsadihii iyo shatiyadii hore Wasaaradda Shaqadu u bixisey ee Shirkadaha adeegga shaqosiinta dibeddu waa la baabi’iyey wax lagu dhoofinkaraana ma jiraan.