Madaxweynaha koonfur-galbeedka Koonfur-galbeed oo gaaray Baraawe

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed ee Baraawe.

Socdaalka Madaxweynaha ee Magaalada Baraawe ayaa ah Xaragjarka Mashaariic dhowr ah oo laga Fuliyey Caasimada, Dhagax-dhiga kuwo horleh iyo Dhiiragelinta Dadka Deeganka iyo Qeybaha kala duwan Ciidamada ee Udiyaar garoobey la dagaalanka Khawaarijta Alshabaab.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose,Duqa Caasimada Baraawe,Saraakisha Laamaha Amniga iyo qeybaha Kala duwan Bulshada.