Hoos u dhac dhaqaale oo taabtay kooxda Khawaarijta (WARBIXIN)

Dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ayaa galaya ku dhawaad bishiisii afraad ayaa waxaa soo baxaya in laga gaaray guulo waaweyn ee dhinacyada Militariga, Dhaqaale xirid iyo ka wacyigalinta Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku hayaan deegaanada Dalka qaarkood, sidaasi awgeed ayaa waxaa hubanti ah in ay ugu muhiimadsan tahay in Kooxda laga cuneqabateeyo dhinaca Dhaqaalaha, si looga guuleysto dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah, marka qof kasta oo Khawaarijta lacag siiya magaca uu doono ha u bixiyee wuxuu u bareeray dambi aad u weyn Alle agtiisa mana jiro qiil diineed oo loo heli karo arrintaasi iyo cudurdaar lagu banneysan karo midna sida ay isku waafaqasan yihiin Culimada Islaamka, marka si ixtiraam leh isaga fiiri sida ay u tilmaamayaan iyo jawaabta uu ka bixiyay Shiikh Maxamed Cabdi Umal, su aal uu soo weydiiyay Ganacside Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Shiiku waxa uu tilmamaay inaysan banaaneyn in la bixiyo lacagta Baadda ah magac kasta ha loo bixiyee, wuxuuna xusay in qofka Ganacsatada ahi waxaa u banaan inuu ka tagi karo ama ka fogaado meeshaasi loogu hanjabay uuna dego meel uu ammaan ku heli karo inta arrini si kale ka noqoneyso, “ ma noqonteyso ama qiil uma noqoneyso waa la ii hanjabay, mar adiga oo is ogeyn ha noqon dilaa oo dusha ha iska  saran dhiig Muslim oo cadaab kuu horseedi kara, hana fududeysan gacan siinta  dilka Muslimiinta “, ayuu yiri Shiik Umal.

Dhinaca kale Xog la helayo ayaa sheegaya in kastoo saraakiisha Ammaanka oo gacan ka helaya Xafiisyada Sirdoonka ee reer galbeedka iyo kuwa Qaramada Midoobay UN-ka ee ku takhasusay dabgdalka Xisaabaadka iyo Akoonada ay beryahaan wadaan dadaalo ay ugu kuurgalayaan cuuryaaminta Ilaha Dhaqaalaha  Koocxda Khawaarijta, islamarkaana lagu guuleystay in la xiro Kumanaan Akoonno ay ku jiraan Malaayiin US$, waxaana marqaati ma doonto ah in Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Khawaarijta ay wali dhaqaale badan u soo marsiin karaan Bangiyada, Xawaaladaha, , Shirkadaha, Ganacsatada iyo Gadisleyda ee lacagaha bixya.

Waxaa kaloo jira  in Kooxdu awooddo in tiro badan qeyb ahaan mar qura wareejin karaan 10 kun US$ ah midkiiba, si ay uga fogaadaan kormeerayaasha barista inay ka shakiyaan maalgaliyayaasha Khawaarijta , iyadoo tallaabadani tahay xeelad cusub oo kooxda iyo taageerayaashooda ku kala gudbiyaan dhaqaalaha, waxaana jirta in ganacsato iyo gedisleey ku xiran kooxda ay wali jirto, kuwaasi oo ku kala nool Maamulada Somaliland, Puntland iyo suuqa Islii ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, una kala gudbiya dhaqaalaha kooxda ay leedaahay, sidaasi awgeed saraakiisha Dowladda waa inay feejignaan dheeraad ah siiyaan la socodka dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha kooxad iyo ganacsatada ku xiran.

Haddaba maxaa la gudboon Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ?, waa inay marka hore dhisto hey;ad garsoor iyo laamaha baarista, si ay ula socdaan, islamarkaana gungaar hufan oo soo Af-jari kara dambiyada dhaqaalaha kooxda iyo kuwa gacan siinaya, iyadoo kal hore uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud sheegay in la qaadayo dagaal seddex weji leh, kaasi oo kala ah Dhanka Miliratiga, dhanka Dhaqaalaha iyo kan fikirka ama wacigalinta.